Banaan baxyo looga Soo horjeedo Ra'iisal Wasaraha gumeystaha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa ka socdo magalada Tel Aviv oo ah caasimada Isreal, Shacab aad iyo aad ufaro badan ayaa isasa sootuuray wadoonyinka halbowlaha u ah magalada caasimada ah ee Tel Aviv, Shabac banaan baxaya ayaa Ku qeylinayaa N-yahu ha dhaco oo ay ula jeedaan Waan kasoo horjeedna Sida uu wax uwado N-yahu.
Shacabka Isreal waxay mudo sanad ah Ku jireen dagaal cabsi, duqeymo, weeraro isdaba jooga ah kuwaas oo kaga imaanaya Hamaas, Hisbulaah, Huutiyiinta Yeman iyo Iran, waase Shacabka Isreal ayaa banaan baxaan dhigay markii Ra'iisal Wasaraha Isreal N-yahu uu xilka ka xayuubiyey wasiirka gaanshandhiga Yoav Gallant oo intii dagaalka socday hogaaminayey Ciidamada Kala duwan ee Isreal.
Yoav Gallant Waxaa uu kasoo horjeestay labada uu qaadayo N-yahu oo qar iska tuurnimada ah ee bariga dhaxe uu ka wado Ra'iisal Wasaraha Isreal N-yahu, N-yahu waxa uu ceyrinta Yoav Ku Soo aadiyey caalamka oo Isha Ku haya Doorashada Mareykanka, qilaafka gudaha Isreal Maalin walba maalinta ka siidanbeysa Waa uu sii weynanayaa.
Marka la eego wax Ku haraareysan Isreal iyo dhaqanka qalafsan ee N-yahu waxay Ku tuseysaa iney Isreal gashay wadadii burburka taas oo horey loogu saadaliyey Isreal iney burbureyso 2026, dagaalka bariga dhaxe ayaana aad iyo aad ufashilay military iyo Hab daafacoodkooda ay Ku sheegi jireen in uu yahay midka adduunka Ugu saameynta badan.
0 Comments