Doorashada Mareykanka ayaa maanta Soo gabagabowday, Waxaa Ku guuleystay Madexweynihii 45 ee Donald Trump, Ururka Hamaas ee ka dagaalama marinka Gaza ayaa warbixi kasoo saaraya guusha maanta uu gaaray Trump.
Ururka Hamaas ee reer Plastine ayaa aad ugu farxay markii Talada wadankaas ay waayeen xisbiga Democratic ga oo ay utartameysay Kamala Harris oo aheyd madexweyne Ku xigeenkii 4 Sano ee lasoo dhaafay, Hamaas ayaa hambalyo udirtay madexweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump una jeedisay in uu Soo afjaro dagaalada ka socda bariga dhaxe Kaas oo ka dhaxeeya dhinacyo badan oo isdiidan, Hamaas oo hadalkeeda sii wadata ayaa Ku dartay in madexweyne Trump ka shaqeeyo sidii Isreal uga bixi laheyd dhamaan dhulka Plastine ay xooga uga haysato, Hamaas ayaan madexweyne Trump Ugu baaqday in maxkamad lageeyo Ra'iisal Wasaraha Isreal N-yahu oo gaboodfalo waaweyn ka geystay marinka Gaza.
Warkaan ayaa imaanaya markii madexweynaha cusub ee Donald Trump uu sheegay 4 Sano ee uu joogo in dagaalada ka socda Russia iyo Ukraine/ Hamas iyo Isreal uu joojindoono.
Wararka kale ee aan ka helay bariga dhexe ayaa sheegaya in maanta weerar aan Kala joogsi laheyn lugu qaaday magalada Tel Aviv ee caasimada Isreal, garoonka Diyaaradaha ee Tel Aviv ayaa weerarkan laga geystay Kaas oo sababay isku socodka garoonka diyaaradaha uu istaago.
0 Comments