Dhaxal sugaha wadanka Saudi Arabia Mohamed binu Salmaan Ayaa aad iyo aad looga shikisan yahay in uu dhibaataynayo Shacabka reer Plastine oo duqeyn badan Kala kulmaysa gumeystaha Isreal oo Maalin walba dariiqyada magalada Gaza dhigaysa haweenka iyo caruurta reer falastiiniyiin ah.
Dagaalka ka socda bariga dhexe Waxaa lugu micneeyey saddexdii sac iyo libaaxii oo aheyd sheeko xariireed caqliga Ku micneysan sheeko xariireedkaan Ayaa ahaa libaaxa oo Sacaha Kala Siraya oo raba in saddexdaba uu cuno, lkn uusan Hal mar wada cuni Karin, sheekadaan Waxaa Hada dhex uga jira madexya weyn Arabeed oo uu hogaaminayo Suadi Arabi.
Shir Ayaa waxa uu kusoo dhamaaday magalada Riyaad ee wadanka Saudi Arabia Kaas uu Soo qabanqaabiyey dhaxal sugaha Saudi Arabia Mohamed binu Salmaan.
Shacabka dalalka Carabta ayaa Ku micneeyey shirkaan mid Ugu jaah wareerinayo reer Plastine oo ay tahay qeyda maqalshii oo waxba ha u qaban, Shacabka dalalka islaamka waxay dhaheen hadii wax loo qabanayo reer Plastine dagaal bay Ku jiraan dagaalka halala galo wey gaajoonayan ee cuno haloo geeyo go'doonkana halaga saaro reer Plastine.
Dalalka muslimiinta Malaga yaabaa iney Sida Mareykanka iyo reer galbeedka ay u garab taagan yihiin Isreal iney U garab U istaagaan mise afka kaliya ayey dhaleeceen ka jeedinayaan.
0 Comments