Loolanka gaariyasha caalamka Ayaan cirka isku sii shareeraya, China iyo Qaarada Yurub ayuu loolanka gaariyasha ka dhaxeeyaa, gaariyaasha ma ahan kuwa Ku shaqeeya Saliida ama shidaalka ee Waa kuwa Ku shaqeeya danabka.
China iyo Yurub (Casri)
Gaariyaasha ay Soo saaran China iyo Wadamada Qaarada Yurub Waxaa U dhaxeeya farqi aad uweyn oo dhinacyo badan taabanaya, kuwaas oo ay Kula dhaqaaqeen shirkadaha gaariyasha China iyo Yurub,
Dhaqaalaha: markii leys barbardhigo qiimaha lugu Kala iibsanayo gaariyasha warshadaha Chine waxay %25 ka jaban yahiin kuwa warshadaha Yurub, Dhawaan ayey aheyd markii shirkadaha Soo saaray gaariyasha Yurub ay Shir Ku qabsadeen caasimada Germany ee barlim Kuwaas oo ka shiray gaariyasha casriga ah ee uu Soo saaraya China iyo Sida uu adduunka oo Dan Ugu faafayo wax Soo saarkiisa gaariyasha oo hada kaga Jiro kaalinta labaad, shirkadaha Qaarada Yurub wuxuu shirkoodu daarnaa Hoos U dhaca Ku yimid iibsiga gaariyasha ay Soo saaran ayagoo nuqsi walba oo ah Hoos udhaca gaariyshoda dhabarka U saaray Chine, Chine aad iyo aad ayuu ugu raqiisan yahay Wadamada Qaarada Yurub gaariyasha ay Soo saaran taasna waxay kaliftay in xitaa Qaarada Yurub laga qaato gaariyasha Chinasku uu Soo saaro.
Casri/Quruxda: adduunka oo dhan ayaa qiray in gaariyasha uu Soo saaro China ka Casrisan yahy Ku Yurub oo kaaf iyo Kala dheeri ay yahiin, birta iyo qalab walba oo uu ka sameysan yahay gaariyasha China Waa mid aad utayo sareeya ayey sheegeen dadkii mulkiyey gaariyasha Chine.
Qaarada Yurub shirkadaha kasoo jeeda Ayaa sheegay iney shirkadaha wadanka Chine ka Soo saara gaariyasha ay galab weyn ay ka heleen dowladooda oo wax walba Ku siisay canshuur jaban oo raqiis ah, Taas badelkeeda Ugu baaqay Wadamada Yurub oo dhan in canshuurta lugu kordhiyo gaariyasha casriga ah ee ka imaanaya Chine.
0 Comments