WARARKA CAALAMKA
DEG DEG: Mareykanka ayaa wuxuu Turkiga uga digay iney Soo dhaweeyan madaxda Ugu sareysa muqaawamada Hamaas ee ka dagaalama marinka magalada Gaza, Hamaas Waxaa lafilayaa iney iskaga guuraan magalada Doha Qatar, Dowlada Qatar waxay dhawaan shaacisay in ukala dabqaadidii Isreal iyo Hamaas ay gabi'ahaanba ay joojiyeen taas oo caalamka intiisa kale Ku noqotay wax aad iyo aad Loola yaabo Madama Qatar ay aheyd meesha kaliya oo lugu Soo afjarikaro dagaalka bariga dhaxe ka socda.
REUTERS iyo CNN waxay dhawaan daabaceen in dalka Mareykanka uu Qatar Ku qasbay in albaabada leyskugu laabo xafiiska siyaasada muqaawamada Hamaas maalmo kadib markii Qatar ay cadeysay in dhexdhaxaadintii Hamaas iyo Isreal ay joojisay, laakiin wax walba Waxaa beeniyey Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Qatar oo sheegay ineysan ka suuroobin in Qatar xirto xafiiska siyaasada ee Hamaas Kaas oo Ku yaala magalada caasimada ah ee Doha.
Hada Waxaa isasootaraya in Qatar ay damacsan tahay iney albaabada iskugu laabi doonto xafiirka Hamaas ee Doha oo ayna Erin doonto dhamaan madexda Hamaas ee Ku sugan Qatar, kadib markii warbixintaan uu Soo saaray Mareykanku oo uu Ku sheegay ineysan Turkiga uguurikarin Hamaas.
Hamaas xukuumada Erdogan aad iyo aad ayey iskugu dhow yahiin.
Dhamaad.
0 Comments