Qalqal faro badan baa ka jira xafiiska Ra'iisal Wasaraha Isreal Benjamin Netanyahu, warbixino badan oo kasoo baxaya wargesyada Ugu waaweyn Isreal ayaa daabacaya in xafiiska Ra'iisal Wasaraha Isreal N-yahu lagala baxay documents 📄 muhiim U ahaa Isreal, documents ka lawaayey ayey warbixinada qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen shirar muhiim ah oo Isreal kaga tashteen dagaalka bariga dhaxe iyo go'aamada laga yeeli doono dagaalka bariga dhaxe.
Maalmo ka hor Waxaa shaqadii wasiirnimo laga ceyriyey Yoav Gallant oo ahaa wasiirka gaashaandhiga Isreal ah hogaamiyaha gulufka colaadeed ee ka socda bariga dhexe, tan ayaa lugu sababeeyey qilaafka waalida ah ee ka jira xafiiska Ra'iisal Wasaraha Isreal Benjamin Netanyahu uu yahay mid aan yareyn, Isreal waxay dagaalka ka socda marinka Gaza iyo waqooyiga dhuleed ee Isreal xooga ay Ku heysto ka Soo gaaray qasooro weyn ayadoo lumisay saraakiil sar Sare.
Sirdoonka Isreal ee Muuzaad waxay eedeemo waaweyn U jeediyeen Ciidanka Kacaanka ee Iran, Isreal ayaa tuhunsan in ciidamada Kacaanka ee Iran isdoon badan uu ujoogo Magalaada Tel Aviv ee caasimada Isreal.
Maalinba maalinta kasii danbeysay Waxaa fashilmaya Isreal iyo xogihii sirdoon oo ay Ku faanijireen
Dhamaan Waxaa istaagay ganacsigii Isreal la keenijiray iyo kuwii ayagu ay dhoofin jireen Madama Huutiyiinta Yeman aydiideen in Marin biyoodka badda cas aysan adeegsan Karin Maraakiib ay leeyahiin Isreal iyo uraranba.
0 Comments