LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xalay: Mareykan iyo Ingiriish Ayaa duqeeyey Huutiyiinta Yeman

               WARARKA CAALAMKA 


Diyaaradaha Mareykanka iyo ingariiska oo is kaashanaya waxay halay saqdii dhexe fuliyeen weerar aan caadi aheyn, waxayna weerar Ku qaadeen waqooyiga wadanka Yamen halkaas oo gacanta Ku hayaan Huutiyiinta Yamen, Weerarkan Waxaa ka Soo baxaya faahfaahino Kala duwan oo ay qoroyaan CNN iyo Aljaziira.

Mareykanka iyo Ingariiska waxay sheegeen iney beegsadeen saldhig military oo ay leeyahiin Huutiyiinta oo aan sidaas uga fogeyn magalada Xudeyfa ee waqooyiga dalka Yamen, Mareykanka iyo Ingariiska dhowr kii bilood ee lasoo dhaafay howl galo waaweyn oo qasaaro badan dhiliyey ka wadeen waqooyiga Yamen, bil ka Hor Waxaa sidaan oo kale loo weeraray saldhigo dhulka hoostiisa ah oo ay leeyahiin Huutiyiinta Yeman markaas oo sheegashadii Mareykanka iyo Ingariiska ay sheegteen iney burburiyeen dhowr saldhig oo ay leeyahiin Huutiyiinta Yeman.

10 Maalin ka hor Huutiyiinta Yeman ayaa sheegay iney Soo bandhigayaan gantaalo cashriya kuwaas oo masaafo ahaan gaari Kara ilaa 5,000 km taas oo ka dhigan iney Xudeyfa dhexdeeda ka duqeyn karaan dhamaan saldhigyada Mareykanku Ku lee yahay bariga dhaxe oo dhan Ciraaq, Siiriya, ilaa iyo Jamhuuriyada Jabuuti, Falanqeeyasha  bariga dhaxe ayaa walaac faro badan ka muujiyey weerarkii xalay lugu qaaday waqooyiga Yamen oo Huutiyiinta gacanta Ku hayaan waxay falanqeeyshu sheegayan in ay tan uga Dari karto xiisada ka oleysan bariga dhexe.

Mareykanka iyo Ingariiska ayaa duulankaan Ku sheegay mid ay Ku idbinayaan huutiga oo ay Ku sheegeen in uu sii hurinayo dagaalka bariga dhexe, waxay kaloo sheegeen Waa Mareykanka iyo Ingariiskee inay ka jawaabayaan maraakiibtii Huutiyiinta ay Ku weerareen biyaha badda cas.

Post a Comment

0 Comments