LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

isreal waxay weerar aan kala joogsi laheyn ay ku qaaday marinka magaalada qaza.

 



Isreal ayaa weerar aan kala joogsi laheyn ku qaaday marinka magaalada Qaza, abaaro 3:15 habeenimo halay waxaa weerer lugu ekeeyey marinka  magaalada Qasa oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ku noolaanaysay nabada xabad joojinta ka dhaxeysa Isreal iyo XM oo ay garwadeenka ka ahaayeen Qatar, Masar iyo Mareykanka.

Ra'iisal wasaaraha Isreal Natanyahu waxaa uu jeediyey warbixin ku aadan weerarka Isreal ay ku qaaday marinka magaalada Qasa, PM Benjamin Netanyahu ayaa weerar ay ku qaadeen Qasa ku eedeeyey iney ka danbeeyeen ururka XM oo uu ku sheegay kuwa udiyaar garoobayey iney dib u bilaabaan dagaalkii 15 bilood ee lasoo dhaafay ka socday marinka magaalada Qasa, Netanhayu oo hadalkiisa siiwata ayaa carabaabay iney ka hortageen xalay weerar ay soo qaadilahaayeen XM oo ku sheegay kuwa kasoo horjeeda nabada bariga dhexe iyo marinka magaalada Qasa, Warbixino badan oo ka soo baxaya warbaahinta Isreal ayaa daabacay iney Isreal ogaatay weerar kusoo food leh Tviv iyo xakuumada uu hogaamiyo Netahyahu.

Weerarka Isreal ay kusoo qaaday marinka magaalada Qasa waxa uu ka dhigan yahay in heshiiskii Isreal iyo XM uu burburay kaas oo19 bishii 1aad ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar, Wadamada Carabka oo uu foolaadka u yahay Suadi Arabia ayaa canbaareeyey weerarka Isreal ay ku qaaday Qasa kuwaas oo sheegay iney aad uga xunyahiin weerarda iyo dagaalka dib uga qarxay marinka Qasa oo wadamada carabta ay sheegeen in ay uga walaacsan yahiin in dagaalkaan uu ku fido gobalka Bariga dhexe.

Madexweynaha dalka Masar Abdifitaax Alsisi waxa uu si adag uga hadlay weerarka ee Isreal ay ku qaaday Qasa, Sisi ayaa hadalo kulul hawada umariyey Re'iisal wasaaraha Isreal Netanhayu oo ku sheegay shaqsi aan laheyn balan oo uuna doonaya dhul uusan laheyn in uu xoog uu ku qaato, Hadalka ka soo yeeray Madexweynha masaarida Sisi ayaa dhaliyey in wadamada carabta uu ku jiro tuhun ah in aya aad uga soo horjeedaan weerarada isreal ay qaaday.

TV ga Al-Jasiira ee kasoo bax wadanka Qatar ayaa daabacay in saacado ka hor waqtiga weerarka Qasa lugu qaadin in Isreal ay ogeysiisay Mareykanka, Trump ayaana Isreal ku taageeray una sheegay iney kaga danbeynayso arimaha Bariga dhaxe.

XM ayaa subaxnimadii hore ee maanta soo saartay bayaan ay ujeedineyso dhamaan wadamada Muslimiinta ah, bayaaankaas oo XM ku codsaneyso in la garab istaago shabac iyo mujaahidiinta reer Flastine.


RABI DHIBTA HAKA SAARO WALAALAHEEN REER FLASTINE.


Post a Comment

0 Comments