LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

XUU-TIYIINTA YAMAN OO WEERAR GANTAALA AH KU QAADAY CAASIMADA ISREAL EE TELL VIV.

 

Xuu-Tiyiinta dalka Yeman ayaa xalay hurdada udiideen ciidanka Isreal iyo shacabka taageersan xaqdarada lugu hayo shacabka magarinka magaalada Qasa, Kala carar badan ayaa ka dhacay caasimada Isreal Tel viv ka dib markii Xuu-tiyiinta wadanka Yaman ay ku qaadeen weearar gantaalo ah oo aan kala joogsi laheyn ilaa hakad lagaliyey garoonka diyaarada Tel viv kaas oo ka mid garoomada ugu mashquulka badan bariga dhaxe, qayaastii ilaa 5 gantaal oo laga sooxawilay Yeman ayaa si deg deg ku soo gaaray caasimada looga arimiyo Isreal, Waxaa qasaaro  soo gaaray gaariyaal ku baakiman bartamaha Tel viv, Channelka 12 ee kasoo baxa Isreal ayaa soo wariyey shacab aad uga soo horjeeda weererka uu PM Benjimin Netahyahu uu ku qaaday marinka qasa, dadka shacabka ah ee la hadlay Channelka 12 waxay sheegeen inay aad uga walaacsan yahiin maxaabiista XM ay ku haysato marinka magaalada qasa lkn aysan rabin in hal qof oo reer flastine uusan badbaadin.

Wadamada caalamka oo ay hogaaminayaan Spain iyo Turkiga ayaa canbaareeyey falka Re'iisal wasaara BEnjamin Netanyahu jabinta heshiiska xabad joojinta marinka magaalada Qasa, Isreal waxay wali diidan tahay in marinka qasa ay soo galaan tiro gaariyaal ah oo wada raashin iyo shidaal, Shacabka marinka magaalada Qasa ayaa walaac badan ka muujiyey dagaalada dib uga qarxay marinka Qasa ayagoo maanta ku hoolan aaska shacabkii lugu xasuuqay qaanyoonis oo ay ku dhimatay tiro ka badan 500 oo qof. 

Madexweynha wadanka Mareykanka Trump ayaa taageeray wax uu ku sheegay howl galka ay Isreal ay ka wado marinka qasa, Trump ayaa sheegay in nabada bariga dhexe ay imaanayso in wax walba loodaba fariista Isreal.

Isreal waxay warbixin ka soo saartay weerarkeeda Qasa, Isreal waxay warbixinteeda ku sheegtay inay heshay warbixino sirdoon oo waaweyn.

Post a Comment

0 Comments